Looking for more resources for supporting parents during COVID-19? Visit the Start Talking Now Facebook page.

Cudurka COVID-19 ayaa waxyeello u geysanaya caafimaadka dhimirka ee tobaneeyo-jiryaasha. Waalidiinta wax bay ka qaban karaan arrintaan.

You are here

Home » Cudurka COVID-19 ayaa waxyeello u geysanaya caafimaadka dhimirka ee tobaneeyo-jiryaasha. Waalidiinta wax bay ka qaban karaan arrintaan.

Read this page in English.

Cudurka safmareenka ee COVID-19 ayaa saamayn wayn ku yeelanaysa caafimaadka dhimirkeenna oo tobaneeyo-jiryaasha ayaa khaasatan u nugul. Maadaama maskaxdooda ay wali soo koreyso, oo aanay nolosha waxyaabo badan ka soo marin wali, dhammaan shucuurta ay dareemayaan—niyad xumada, carada, cadaadiska, iyo go'doonka—ayaa aad uga sii xoog badan. Cilmibaaristu waxay muujineysaa in inta lagu jiro aafada COVID-19, dhalinyaradu ay u badan tahay inay muujiyaan astaamo dhexdhexaad ah ama daran oo niyad jab ama walbahaar leh (Mental Health America). In ka badan kala bar tobaneeyo-jireyaasha ayaa ka warbixiyay fikradaha is-dilka ama is-waxyeelaynta bishii Sebtembar 2020 (Mental Health America).

Warka fiicani waa waalidka iyo dadka waawayn ee kale ee lagu kalsoon yahay ayaa caawin kara.

Ogow calaamadaha

Tallaabada ugu horreysa ayaa ah in la garto calaamadaha. Tobaneeyo-jire kasta ayaa ka duwan kan kale oo ka falcelinta dhacdooyinka saxariirka leh ayaa kala duwan. Waxay isku kala jiri karaan laga soo bilaabo “fal xumaha” illaa “dib isku ururinta.” “Fal xumada” waxa ka mid noqon kara u bareerka khataraha sida isticmaalka mukhaadaraadka, diriitaanka, ama iska garab-marka farriimaha badbaadada ee ku saabsan COVID-19. “Dib isku ururinta” ayaa dhici karta inuu tobaneeyo-jirahaagu uu dib u gurto oo loo maleeyo in aanu waxbadan ka lahayn, ama inuu rabo inta badan inuu kaligii joogo (Washington State Department of Health). Falcelinnada kale ee badanaa jira ee tobaneeyo-jireyaasha marka lagu jiro musiibada ayaa noqon karta:

  • Welwel
  • Niyad-xumo
  • Qoomame, caro/xanaaq, cabsi, inaan waxba loo qaban oo la dareemo
  • Iyaga oo ka cabsada inayna wax mustaqbal lahayn
  • Isbeddello ku yimaada dabeeco bulsheedka, sida inaan la is arkin saaxiibbada ama la beddelsho saaxiibbada
  • Inay is mshquuliyaan si ay uga fogaadaan dareennada.
  • Isticmaalid khamri ama daroogo

Qaababka loo caawiyo

Waalid ahaan, waxaad tahay qofka ugu saameynta badan nolosha tobaneeyo-jirehaaga. Haddii ay qirtaan iyo haddii kaleba!

Tobaneeyo-jireyaasha ayaa laga yaabaa inay dareemaan inay sidii hore ka go'doonsan yihiin waqtigan adag. Iyaga oo aan tagayn dugsiga, arkayn saaxiibbadood, ama ciyaarayn ciyaaro, ma helayaan mid la mid ah taageeradii ay heli jireen waagii hore. Waa sababta ay muhiim u tahay inaad ka warhayso tobaneeyo-jirehaaga. Hoos waxa ku qoran siyaabaha aad u caawin karto (Washington State Department of Health):

  • Tusaale ugu noqo is-daryeelidda oo ka hadal dareenka aad adigu leedahay inta lagu jiro masiibadan.
  • Ku dhiirrigeli tobaneeyo-jireyaashu inay sheegtaan fikirkooda iyo dareenkooda. Ka caawi inay gartaan oo ay maareeyaan shucuurtan.
  • Xusuusi in aanay kaligood iyagu dareemayn sidaan oo kale oo ay iska caadi tahay innaan si fiican la dareemin hadda.
  • Ku dhiirrigali inay bartaan isku-daryeelidda iyo siyaabaha caafimaadka leh ee wax looga qabto cadaadiska, sida jimicsiga, cibaadaysiga, duurka u bixitaanka, ama hawl kasta oo u keeni karta dareen farxadeed ama nabadeed. Tobaneeyo-jireyaasha ayaa fikrado ka heli kara goobta You Can.
  • Kala hadal (adiga oo aan u qudbdayn) khataraha siyaabaha aan caafimaadka lahayn ee arrimaha loo maareeyo, sida:
    • Isticmaalka khamriga ama daroogada.
    • Ka-qaybgalka falalka gacan u qaadka leh ama sharci-darrada ah
    • Inaad ku jirto xiriir lahaan aan caafimaad qabin
  • Kala hadal muhiimadda ay leedahay xulashada saaxiibbada ka caawiya go'aannada wanaagsan. Ku dhiirigali dhisitaanka xiriir la lahaanta qoyska iyo saaxiibbada.
  • U oggolow oo kuna dhiirrigali inay caawiyaan dadka kale waqtigan adag. Tusaale ahaan, waxay gacan ka geysan karaan abuuritaan beer, qashin qaadid, abaabul waxqabadyo loogu talagalay carruurta yaryar, ama ka caawinta deriska u soo adeegidda raashinka.
  • Kala hadal tobaneeyo-jirayaasha mustaqbalkooda. Tusaale ahaan, weyddii “Maxaad rabtaa inaad samayso sannadka soo socda ama 5 ta sano ee soo socta?” "Maxaad samaysaa hadda si aad u hanato hadafkaas?" “Ma jiraan siyaabo aan kaaga caawin karo anigu qaar ka mid ah waxqabadyada kugu dhaqaajin lahaa hadafkaas yoolkaas?”
  • Ku bilow wada sheekeysiga tobaneeyo-jirahaaga si xiiso leh oo soo jiidasho leh Ciyaarta Runta ama Xujaynta (Truth or Challenge).

Hel taageero

Teen Link: Mararka qaarkood, tobaneeyo jirayaasha ayaa dhici karta inay ku dareemaan kalsooni inay la hadlaan asaag. Taasi waa caadi! Waxaa jira a khad caawimo oo qarsoodi iyo lacag la'aan ah oo ay ka shaqeeyaan ka tobaneeyo-jireyaal tababbaran laga bilaabo 6 illaa 10 fiidnimo. PT. Ilmahaagu wuxuu kala hadli karaa wax kasta oo maskaxdooda ku jirta. Ku dhiirrigali ilmahaaga inuu waco, uuna farrin u diro, ama la sheekeysto (chat) 1-866-TEENLINK (833-6546). Haddii aad rabto, waxaad la hadli kartaa tabaruciinta kahor ilmahaagu intuuna la hadlin. Waxa kale oo aad la xiriiri kartaa khadka caawinta si aad ugala hadasho waxyaabaha aad uga welwelsan tahay ilmahaaga ee ku saabsan isticmaalka mukhaadaraadka ama khamriga.

Washington Listens: Caawimo ayaa sidoo kale adigana kuu diyaar ah. Soo wac 1-833-681-0211 ama booqo WAlistens.org si aad u hesho caawimaad lacag la'aan ah oo qarsoodi ah. Washington Listens waxay siisaa taageero siisaa kuwa niyad-xumada, walbahaarka, ama cadaadika ka dareemaya COVID-19. Waxa laga shaqeeyaa Isniin-Jimce laga bilaabo 9 subaxnimo illaa 9 fiidnimo. PT (Waqtiga Baasafigga)iyo maalmaha fasaxa laga bilaabo 9 subaxnimo ilaa 6 galabnimo PT. TSR 711 iyo adeegyada marin u helitaanka luqadda ayaa la heli karaa.

Xusuusnoow, waa caadi inaad caawimo weyddiisato. Tobaneeye-jiraha ayaa kuu fiirsanaya sidaad ula dhaqanto cadaadiska ama walbahaarka. Inaad hesho siyaabo caafimaad leh oo arrimaha aad ula dhaqanto oo aad soo raadiso taageero markaad u baahan tahay ayaa ah ficillada qumman ee adiga iyo tobaneeyo-jirahaaguba inaad aad wax ka barataan.

Adiga ayaa cid kastaba si ka fiican u yaqaan tobaneeyo-jirhaaga oo waad ka caawin kartaa marka la marayo waqtigan adag. Wadajir, labadiinuba waxaad ku dambayn kartaan guuleysi ka sii badan. Oo haddii aad u baahato taageero, nala soo xiriir!