Looking for more resources for supporting parents during COVID-19? Visit the Start Talking Now Facebook page.

Waalidiiinta iyo daryeelayaasha

You are here

Home » Waalidiiinta iyo daryeelayaasha

Halkan ku dhufo is aad ugu aragto aagga dhan Af-Soomaali 

Boggaan waxa ku jira warbixin logu talagalay:

Waxaad tahay qofka ugu saameynta badan oo sameyn ku yeelan kara go’aanada ay dhallintu ka qaataan daroogada.

In ka badan saaxibada. In ka badan dadka caanka ah. Taasina waa sababta ay muhiim utahay dhallinta in ay adiga kaa maqlaan in aan la isticmaalin marijuana, khamri, iyo nooc kasta oo daroogo ah, iyagu si ay ubartaan in ay sameeyaan doorashooyin wanaagsan, oo ay ku jiraan wadooyin cafimaad leh kuwaas oo looga gudbo xiliyada xaaladaha adag.

In aad kala hadashid dhallintaada mowduucyadan way adkaan kartaa, laakiin cilmi-baaris ayaa muujisay in ay tahay waxyaabha ugu wanaagsan oo aad sameyn kartid si aad u tusto in aad daryeeleysid, dejisid filashooyinkooda, isla markaana aad ka dhigtid kuwo ammaan ah oo caafimaad qaba. Wada hadaladu waxay noqon karaan kuwo caadi ah, hadalo kooban oo aad la yeelatid marka aad wakhti la qaadaneysid dhallintaada. Halkan waxa kuyaal liis jawaaba ah oo ku saabsan su’aalaha uu ilmahaagu ku weydiin karo oo ku saabsan khamrida iyo marijuana, kuwaas oo kaa caawinaya in aad udiyaar garoowdo wadahadaladan. Dadka oo dhan isku mid ma ahan, sida darteed xusuusnoow in aad ku habeyso jawaabahaaga adoo ku saleynaya aragtidaada iyo waayo aragnimadaada. Yeelashada wada hadal daacadnimo iyo shakhsiyadeed waxay waliba lahaan doontaa saameyn awood leh.

Halkaan waxa ku yaal agabyo dheeraad ah kuwaas oo kaa caawinaya in aad la hadashid dhallintaada:

Tallooyin loogu talagalay waalidiinta iyo daryeel bixiyaasha.

Wakhti la qaado dhallintaada, wadasheekeysi joogto ah la yeelo, waxyaabo madadaalo ahna si wadajir ah usameeya!

Waad ka caawin kartaa in ilmahaagu uu ka fogaado marijuana, khamri, ama noocyada kale ee daroogada markii aad xiriirtaan, xad usameysid, oo aadna ilaalisid.

Abuur xiriiro dhow.

Dhallintu ma u badna in ay khamri cabaan ama ay isticmaalaan marijuana ama noocyada kale ee daroogada marka waalidiintood iyo/ama daryeel bixiyaashooda ay ku lug leeyihiin noloshooda iyo marka ay dareensanyihiin in ay udhow yihiin. Si loo kordhiyo xiriirka qoyska:

  • Wakhti la qaado cunugaaga maaalin kasta 15 daqiiqo oo fool ka fool ah.
  • Waxyabaha madadaalada ah si wadajir ah usameeya.
  • Ka bixi Jawaab celin wanagsan oo ku saabsan doorashooyinka wanwanaagsan ee cafimaadka qaba ee ilmahaagu sameeyo.
  • Si wadajir ah wax ucuna.

Soohdin cad deji.

Xeerar cadcad mar horeba udeji, joogtee, kalana hadal habraaca marwalba. Si aad soohdinta udejiso:

  • La yeelo wadahadal joogto ah oo ku saabsan filashadaada.
  • Isticmaal edbin cadaalad ah oo joogto ah markasta oo xeerkaada la jabiyo.
  • Ka caawi caruurtaada in ay la yeeshaan xiriir wanaagsan saxiibadood.
  • Ka caawi ilmahaaga in uu barto qaababka loo diido daroogada.

La soco isdhexgalka.

Had iyo goor ogsoonoow waxa dhallintaadu ay sameynayaan, meesha ay aadayaan, iyo qofka ay wakhtiga la qaadanayaan. Ka caawi in ay qorsheeyaan damaashaad madadaalo iyo ammaan ah. Xusuusnoow in aad weydiiso shantaan su’aalood:

  • Halkee ayaad usocotaa?
  • Maxaad sameyn doontaa?
  • Yaa kula joogi doona?
  • Goormaad guriga kusoo noqoneysaa?
  • Ma cabi doontaa khamri, marijuana, ama daroogo kale?

Maxay tahay khataraha isticmaalka khamrida, marijuana, iyo daroogooyinka kale ee dhallinta ama dadka da’da yar?

Isticmaalka hore ee khamrida, marijuana, iyo daroogooyinka kale waxay dhallinta u horseedaan khatar aad uweyn ee la qabsi iyo dhibaatooyin kale oo caafimaad, dugsiga oo lagu fashilmo ama dhaco, iyo mihnadooda shaqo oo ay hor istaagto xirxirid iyo aqoon darri. Isticmaalka Marijuana, Khamrida iyo daroogooyinka kale:

  • Waxa ay dhibaato ugeysan karaan hormarka maskaxda dhallinta. Khamrida, marijuana iyo daroogooyinka kale waxa ay wax udhimi karaan aagaga maskaxda ee kantaroola iskuxirka, xakameynta dareenka, xusuusta, barashada iyo xukumidda. Sababta oo ah maskaxda dhallintu wali waxa ay ku jirtaa xiliga korniinshaha, weyna unugushahay saameynta.
  • Waxa ay uhorseedi kartaa la qabsasho. Caruurta caba khamrida kahor inta aysan gaarin da’da 15 sano waxay afar jeer udhowyihiin dhibaatooyinka khamrida markii ay weynaadaan kuwa isticmaala marijuana kahor da’da 18 sano waxay afar illaa todobo jeer udhowyihiin inay isku arkaan khalkhalka isticmaalka marijuana marka loo barbardhigo kuwo dib udhiga isticmaalkeeda.
  • Waxa lala xiriiriyaa saddexda sababood ee ugu horeeya ee keena dhimashda dhallinta: Shilalka (oo ay ka mid yihiin dhimashada gaadiidka iyo qarqashada), dilka iyo isdilka.

Hel xaqiiqooyinka ku saabsan khataraha isticmaalka maandooriyaha ee da’yarta.

Si wadajir ah u abuuro caadooyin caafimaad qaba.

Ka caawi ilmahaaga in uu abuuro caadooyin caafimaad qaba, uuna hadaf dejisto, isla markaana uu kudhaqmo wadooyin cafimad leh si uu ula qabsado.

  • Yoolal ama hadafyo udeji: Dejinta yoolashada dadka waxay siisaa dareen leh ujeeddo waxay sidoo kale ka caawisaa in ay aaminaan mustaqbal wanaagsan. Xilliga hadda lagu jiro waxa suurto gal ah in uu iska dhib badan yahay, laakiin wey fududahay in la maamulo haddii ay jirto yididiilo ah fursado la heli doono mustaqbalka. Kala hadal dhallintaada waxay ay rabaan in ay mustaqbalka sameeyaan kana caawi in ay qorshe sameeyaan.
  • Dhis caadooyin wanaagsan: Cunista wanaagsan iyo helida hurdo kugu filan iyo jimicsiguba waxay kor uqaadaan caafimaadka iyo niyadda. Sii habraac (sida wakhti ugooni ah cuntada), taas oo u fududeyneysa caadooyin wanaagsan, kalana hadal dhallintaada sababta caadooyinka wanaagsani ay muhiimka u yihiin. Si wadajir ah, isla meel dhiga qaabab lagu xoojiyo laguna sameeyo caadooyinka wanwanaagsan.
  • Hormarinta xirfadaha laqabsiga: waa muhiim in dhallintu ay aqoonsadaan waxqabadyada ka caawin kara in ay wax fiican dareemaan marka ay daremayan cadadis ama walaac. Adiga iyo ilmahaga yarba, hela wadooyin aad waxqabadyadaas ugu dartaan noloshooda — ha ahaato ama kubad ku tuurida daarada cashada kadib, ama kusoo wareegida xaafada, nasasho faneedka malinlaha ah, ama tirinta ilaa 10 sifudud kadib kadibna neef qoto dheer la qaato marka howsha la xakameyn waayo.

Hel Caawinaad.

Waa caadi in aad caawinad uweydiiso ilmahaga iyo adiguba! Dhammaan agabyada hoose waxay ku siinayaan adeegyada helida luuqada iyo TSR 711.

  • Teen Link waa lacag la’aan, khad caawin oo sir ah kaas oo dhallintu ay heli karaan ayagoo wacaya, qoraal uqoraya ama la sheekeysanaya dhallinyaro tababaran laga bilaabo 6 ilaa 10 p.m PT. Ilmahagu waxa uu kala hadli karaa iyaga wax kasta oo maskaxdiisa kujira. Kuu dhiiri geli ilmahaga in uu Waco, qoraal uqoro ama la sheekeysto 1-866-TEENLINK (833-6546). Dadka waaweyn iyaga waa suurto gal in ay wacaan Teen Link si ay ula hadlaan dhakhtar ku takhasusay ka hortagidda isticmaalka maandooriyaha. Booqo www.teenlink.org si aad uheshid warbixin dheeraad ah.
  • Washington Recovery Help Line waa khadka caawinta 24 ta saac oo qarsoodi ah, warbixina cidna lala wadaagin kaas oo ugu deeqa cawinaad dadka la halgamaya khalkhalka isticmaalka maaandooriyaha iyo dhibaatooyinka xaga caafimaadka dhimirka. Wac 1-866-789-1511 ama booqo WARecoveryHelpLine.org si aad uheshid warbixin dheeraad ah.
  • Washington Listens waxay ugu deeqdaa cawinaad dadka murugeysan, walaca dareamaya, iyo kuwa caadadiska dareemaya. Waxay shaqeysaa laga bilaabo Isniin ilaa Jimce 9 a.m. ilaa 9 p.m. PT maalmaha fasaxa ah sida Sabtida iyo Axadana laga bilaabo 9 a.m. ilaa 6 p.m. PT. Booqo shabakada Washington Listens si aad u hesho warbixin dheeraad ah.